Shakhsiyada Muslimka ah Qaybtii 1aad

1
Sunday August 09, 2020 - 18:45:18 in Maqaallo
  • Visits: 4840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Shakhsiyada Muslimka ah Qaybtii 1aad

    Dr. Maxamed Ali Haashimi:- Hordhac Intaa ka dib ahmiyada mawduucan waa mid lagu iftiiminayo Shakhsiyada muslimka ah sida laga doonayo, waxay igu qaadatay sannado badan si aan daraasad ugu samaynayay, markaan dhinacyo badan ka eegayna waxa aan a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Maxamed Ali Haashimi:- Hordhac Intaa ka dib ahmiyada mawduucan waa mid lagu iftiiminayo Shakhsiyada muslimka ah sida laga doonayo, waxay igu qaadatay sannado badan si aan daraasad ugu samaynayay, markaan dhinacyo badan ka eegayna waxa aan arkay iyagoo dhinac ku dadaalaya dadku dhinaca kalena dhayalsanaya.

Tusaale ahaan waxaaad arkaysaa qof qushuucsan oo ku dadaalaya cibaada illaahay, laakiin aad uga gaabinaya xidhiidhinta ehelkiisa (Riximkiisa), waxaad arkaysaa qof ku dadaalaya barashada cilmiga iyo cibaadada laakiin ka gaabinaya tarbiyada caruurtiisa isagoo ka war hayn waxa ay bartaan iyo cida ay la saaxiibo yihiin. Waxaad arkaysaa nin caruurtiisa si fiican u tarbiyadaynaya laakiin waalidki si xun ula dhaqmaya. Waxa aad arkaysaa qof waalidkii u samo-falaya laakiin xumaynaya gabadha uu qabo iyo ehelkeeda, sidoo kale waxaad arkaysaa qof ku wanaagsan Gabadha uu qabo laakiin jaarkiisa xumaynaya.



Waxaad arkaysaa qof ku dadaalaya danihiisa gaarka ah iyo wixii isaga anfacaya, laakiin aad uga gaabinaya xidhiidh uu ummada islaamka iyo is kaashigeeda. Waxaad arkaysaa qof haysta diinta islaamka laakiin dhayalsanaya eedaabta islaamka ee salaan, wax cunida, cabida, la hadalka dadka iyo la sheekooyinkiisa iyo kuwa kale oo badan.


Waxa wax lala yaabo ah in nusqaamahan lagu arko kuwo daaciyiin ah oo iyagu ah hormoodkii islaamka iyo kuwa iyagu dadka tilmaami lahaa, waana kuwa loo baahan yahay in ay si xeel dheer u fahmaan axkaamta islaamka, eedaamteeda iyo qiimaheeda si ay umada ugu hogaamiyaan dariiqa saxda ah. Laakiin waxa mashquuliya in badan dhayalsiga iyagoo dareensan ama aan dareensanayn.


Ahmiyada iftiimintan shakhsiyada muslimka ahi waa mid raacaysa kuna xidhiidhsan dadnimada jiheenteeda, haddaba si aan u soo hordhigo mushtamaca islaamka gaar ahaan kuwa ka shaqaynaya diinta waxa aan sameeyay daraasad waafi ah oo dhamaystiran oo ay aad uga muuqanayso shakhsiyada muslimka ah dhaqamada iyo edaabta looga baahan yahay si ay u noqdaan iftiin ay soo eegtan kuwa ka gaabiyay dhinaco ka mid ah.


Waxa ii muuqda farqiga u dhaxeeya waxa laga doonayo qofka muslimka ah iyo sida ay yihiin kuwa maanta muslimka sheeganaya in yar oo ka mid ah mooyane. Kuwa ay caqiidadoodu saxan tahay ee islaanimadoodu wanaagsan tahay quluubtooduna ay saafiga tahay ee hamigooguna firfircoon yahay waa kuwa u qaata si dhab ah diinta islaamka.


Waxa inoogu filan tusaale iyo hanuun kitaabka quraanka ah iyo sunnaha rasuulka oo si cad inoogu iftiiminaya dhamaan qadiyadaha adoomada ku xidhiidhinaya rabigooda iyo macamilaadka dhexdooda ah, dhamaantood tilmaamahani waxa ay dhismo u yihiin shakhsiyada qofka muslimka ah si loo soo celiyo nolosha qofka iyo mushtamaca islaamka oo ah tusaale fiican.


Waxaynu ka bilaabaynaa waxyaabaha laga doonayo qofka muslimka ah ee ku sugan daliilka oo ah in uu noqdo qof ummad ku xidhan isla markaana anfaca. Shakhsiyadaas oo ku dhisan akhlaaqada kuwa ugu fiican ee ay ka hadleen aayadaha quraanka iyo axaadista rasuulka (CSW). Taas oo noqonaysa diin oo qofku ilaashado isagoo illaahayna ajar iyo wanaag ka rajaynaya


Waxan ka soo uruuriyay kitaabka iyo xadiiska waxana ka dhigay mowduucyo, taas oo ii fududaysay in si nidaamsan ay iigu dhamaato baadhitaankii Shakhsiyada Muslimka ah waxana u nidaamiyay sidan:-


1. Muslimka iyo Cibaada Rabigii

2. Muslimka iyo Naftiisa

3. Muslimka iyo Waalidkiisa

4. Muslimka iyo Xaaskiisa

5. Muslimka iyo Caruurtiisa

6. Muslimka iyo Ehelkiisa

7. Muslimka iyo Jaarkiisa

8. Muslimka iyo Walaaladii iyo Saaxiibadii

9. Muslimka iyo Mujtamaciisa


Raxmada illaahay (SW) ku galaday adoomadiisa waa mid balaadhan marku u kala cadeeyay hanuunka iyo halowga ee uu darajeeyay hanuunka ee uu u soo diray rasuul, una soo jeediyay risaalad iyo shareeco si ay dadku u helaan xujooyin cadcad ee ay ku kala baxaan markasta oo ayna ugu halaabin mugdiyada.


Dadku waxay aad ugu baahan yihiin hanuun iyo tarbiyad iyo edaab wey si ay u helaan awood ay ku ilaashadaan dadnimadooda una qaataan kaalintooda nololayd ee illaahay ugu tala galay. marka laga tago tarbiyada iyo hanuunka rabaaniga ah, waxa lama huraan ah in ay timaado ama dhacdo iska hor imaadyo iyo burbur, xaasidnimo, dulmi iyo dhamaan cadooyinka iyo dhaqamada xun xun ee burburiya dadnimada. Waxaynu u arkaynaa si dhab ah dhaqanka caruurta marka ay hortaagan yihiin waalidkood waxay ku dadaalaan in ay u dhaqmaan si wanaagsan, iyagoo wixii ceeb iyo xumaan ah ku riixa walaaladooda kale, taasi waxay muujinaysaa in asal ahaan qofku jecel yahay in uu muujiyo jiritaankiisa wanaagsan.


Halkan waxa ah arrin mihiim ah oo loo baahan yahay oo la gudboon dadka wax garadka ah ama aqoonta leh in ay ku baraarug sanaadan toosnaanta diinta islaamka iyo ku dhaqankeeda dadkana ay gaarsiiyan si loogu daydo iyaga si ay u noqdaan muuqal qurux badan oo ah nolosha wanaagsan ee quruxda iyo raaxada badan ee illaahay (SW) ugu tala galay adoomadiisa.


Illaahay (SW) diintan ugumuu soo dejin toddobada samo dusheeda in ay ahaato aragti caqliyadu ku raaxaystaan oo laga doodo ama in ay noqoto hadal muqadas ah oo ay dadku ka barakaystaan akhriskiisa, iyagoo fahansanayn hanuunkiisa isla markaana aanan garanayn macnihiisa, laakiin waxa uu u soo dejiyay illaahay (SW) in lagu xukumo nolosha shakhsiga, in lagu nidaamiyo nolosha qoyska laguna hogaamiyo nolosha ummada, si ay u noqoto nuur iftiiminaya dariiqa dadka oo ka saaraya mugdiga una saaraya iftiinka.


"Xaqiiqdii waxa idinka yimid xaga illaahay nuur iyo kitaab cad oo illaahay ku hanuuninayo ka raaca raali ahaanshihiisa dariiqa nabadgelyada, oo idinka saaraya mugdiyo idina saaraya iftiin ogolaanshiisa, idinkuna hanuuninaya dariiqa toosan" Suuratul Maa'id-14-16}


Inta lagu jiro hanuunkan ayay noloshu wanaagsanaataa, wanaaga iyo quruxda ka muuqata Shakhsiyada Muslimka ah ee dhabta ah ayaa ah mid soo jiidata dadka intiisa kale. Dadku markay arkaan waxay arkeen Islaam, wayna la dhaqmayaan waxana uga kordhaya Iimaan.


Waa sidii uu Nabigu (CSW) u dhisay ummada islaamka, talaabooyinkii ugu horeeyay ee uu qaaday waxa ka mid ahaa in uu sameeyay rag ku walaaloobay islaanimada oo aad moodo kitaab lugaynaya dhulka isla markaana ay ku fideen aduunyada inteeda kale. Dadkuna ay u arkeen kuwa ku dayasho mudan, waxayna tusaale u ahaayeen Manhajka nolosha. iyagoo dadka intoo kalena markay arkeen dhaqankii iyo akhlaaqdii islaamka ay diinta u galeen koox koox.


Dadnimada maanta waxay aad ugu baahan tahay weliba muslimiinta khaas ahaan in Manhajkan Nolosha lagu dhaqo laguna hogaamiyo, kaas oo la'aantii noloshu aanay hagaageen. Waxan illaahay waydiisanayaa in uu iga caqbalo kana dhigo mid illaahay dartii ah, kaas oo i anfaca maalinta aan maal iyo ubad aanay waxba qabanayn qof illaahay ula yimaada qalbi wanaagsan mooyane.


 

1.Muslimka iyo Cibaada Rabigii

Muuminku waa Qof soo jeeda


Waxa ugu horeeya ee qofka muslimka ah laga doonayaa waa in uu rumeeyo illaaha xaq ah kuna kalsoonaado ku xidhnaantiisa isla markaana isaga si joogta ah u xusuusnaanaya tala saaranayana, isagoo illaahay gargaar waydiisanaya, waana in uu dareensadaada xeel dheerida baahidiisa joogta ah ee illaahay uga baahan yahay, quwadiisa, gargaarkiisa iyo Ayidaadiisa mar kasta oo uu dadaal sameeyo iyo mar kasta uu sabab keeno.


Muslimka xaqa ah ee dhabta ahi waa mid qalbigiisu soo jeedo oo indhihiisu furan yihiin, waa mid arkaya abuurta illaahay ee Koomka, waa mid rumaysan in illaahay ku tasarafo Koomka iyo arrimaha dadkaba, taas ayaana keenaysa in illaahay si joogta ah u xusuusnaado waxana uu arkayaa khudrada illaahay daqiiqad kasta oo ka mid ah noloshiisa si aan xadidnayn. Aragti kasta oo uu Koomkan arkana waxa uga siyaada iimaan iyo xusuus illaahay.


"Abuurista Samooyinka iyo Dhulku iyo is badalka Habeenkii iyo Maalintii waxa ay aayad u yihiin dadka ehlu caqliga ah,Kuwa illaahay xusaya iyagoo taagan iyagoo fadhiya iyagoo dhinac u jiifa oo ka fikiraya abuurista Samada iyo Dhulka, Rabiyow umaad abuuran kan baadil adaa xumaan ka nasahane xumaanta inaga dheere" Suuratul Al Cimraan-190}

La Soco Qaybaha Dambe

Turjumadii: Bahda Baraarug Media


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip