Shakhsiyada Muslimka ah

0
Tuesday April 28, 2020 - 20:42:34 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shakhsiyada Muslimka ah

    Tusaale ahaan waxaaad arkaysaa qof qushuucsan oo ku dadaalaya cibaada illaahay, laakiin aad uga gaabinaya xidhiidhinta ehelkiisa (Riximkiisa), waxaad arkaysaa qof ku dadaalaya barashada cilmiga iyo cibaadada laakiin ka gaabinaya tarbiyada caruurtiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tusaale ahaan waxaaad arkaysaa qof qushuucsan oo ku dadaalaya cibaada illaahay, laakiin aad uga gaabinaya xidhiidhinta ehelkiisa (Riximkiisa), waxaad arkaysaa qof ku dadaalaya barashada cilmiga iyo cibaadada laakiin ka gaabinaya tarbiyada caruurtiisa isagoo ka war hayn waxa ay bartaan iyo cida ay la saaxiibo yihiin. Waxaad arkaysaa nin caruurtiisa si fiican u tarbiyadaynaya laakiin waalidki si xun ula dhaqmaya. Waxa aad arkaysaa qof waalidkii u samo-falaya laakiin xumaynaya gabadha uu qabo iyo ehelkeeda, sidoo kale waxaad arkaysaa qof ku wanaagsan Gabadha uu qabo laakiin jaarkiisa xumaynaya.

Dr. Maxamed Ali Haashimi

Hordhac

Waxaad arkaysaa qof ku dadaalaya danihiisa gaarka ah iyo wixii isaga anfacaya, laakiin aad uga gaabinaya xidhiidh uu ummada islaamka iyo is kaashigeeda. Waxaad arkaysaa qof haysta diinta islaamka laakiin dhayalsanaya eedaabta islaamka ee salaan, wax cunida, cabida, la hadalka dadka iyo la sheekooyinkiisa iyo kuwa kale oo badan.

Waxa wax lala yaabo ah in nusqaamahan lagu arko kuwo daaciyiin ah oo iyagu ah hormoodkii islaamka iyo kuwa iyagu dadka tilmaami lahaa, waana kuwa loo baahan yahay in ay si xeel dheer u fahmaan axkaamta islaamka, eedaamteeda iyo qiimaheeda si ay umada ugu hogaamiyaan dariiqa saxda ah. Laakiin waxa mashquuliya in badan dhayalsiga iyagoo dareensan ama aan dareensanayn.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip